Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiis ay saxiixday shirkad Mareykan ah oo ka carreysiiyey Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Turkiga ayaa ka hortimid  heshiis dhex maray kooxaha Kurdiyiinta ee waqooyiga bari Suuriya iyo shirkad shidaal oo Mareykanka laga leeyahay, kaas oo uu Turkigu ku tilmaamay mid lagu maal-gelinayo Argagixisada.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Maraykanka, ayaa xaqiijiyay in shirkad shidaal oo Mareykan ah ay saxiixday heshiis ay la gashay Xoogaga Kurdiyiinta Suuriya ee loo yaqaan Syria Democratic Forces (SDF).

Heshiiska ayaa waxaa wada-galay ciidamada Kurdishka Syria ee SDF iyo shirkadda Delta Crescent Energy ee fadhiggeedu yahay gobolka Delaware ee dalka Mareykanka.

Syria ayaa horay u dhalleeceysay heshiiskan oo ay ku tilmaamtay xatooyo iyo meel ka dhac madaxbannaanideeda qaran.

SDF ayaa ah isbaheysi ay hogaaminayeen ciidamada Kurdiyiinta ee taageersan ismaamul ka dhisan waqooyi bari ee Syria, maamushana goobaha saliidda ugu weyn ee wadankaasi.

PUNTLAND POST


The post Heshiis ay saxiixday shirkad Mareykan ah oo ka carreysiiyey Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this