Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin xasaasiya:Ninkeedii oo hinaasay ayaa sanka ka jaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Ninkeeda oo hinaasay ayaa sanka ka gooyay

Zarka

Zarka

Muddo dhan 10 asbuuc oo ay argagax ku jirtay, Zarka haatan waxaa u muuqata xoogaa rajo ah.

“Waxaan ku fraxanahay in aan dib u helay sankeyga, waana wax wanaagsan,” ayay ku tidhi dhakhaatiirtii u sameysay qallinka dib loogu kabay sankeeda.

Tacaddiga ka dhanka ah dumarka ayaa ah mid aad ugu badan dalka Afghanistan, waxaana daraasad dhawaan la sameeyay lagu ogaaday in 87 boqolkiiba haweenka dalkaas ay la kulmaan dhibaato ay kala kulmaa ragga, haddii ay ahaan lahayd mid xadgudub galmo iyo kuwa kaleba.

Waxyaabaha ugu daran waa weerarrada loo adeegsado aashitada ama mindiyaha ee dumarka lagula kaco. Waxaana tusaale u ah Zakra oo seygeeda uu mindi sanka kaga jaray.

Zarka
Dhaawaca Zarka hadda waa uu roonyahay

“Ninkeyga wuxuu ka shakisanaa qofwalba,” ayay tiri haweeneydan oo xitaa uu garaacay ninka ay wada joogaan, taas oo sheegtay inay caadi noqotay oo maalin walba ay la kulmi jirtay.

“Wuxuu ii sheegay in aanan ahayn qof dhowran,anniguna waxaan ku irir waxaas waxba kam jiraan,” ayay sii raacisay hadalkeeda.

Zarka oo la guursaday toban sano kahor ayaa hadda waxay heysataa wiil lix sano jir ah. Haweeneydan ayaa la qabsatay garaaca seygeeda balse marnaba kuma aysan fikirin in ay heerkaas gaari doonto.

Dib usoo kabashadeeda

Zarka ayaa BBC-da u sheegtay in markii muraayadda isku eegtay ay ogaatay in sankeeda uu haatan soo hagaagayo.

Dr Zalmai
Dr Zalmai

Waxaa xaaladda la tacaalay dhakhaatiir, kuwaas oo ku sameeyay qalliin qaatay saddex saacadood. Waxay sheegtay in kahor inta aanan qalliinka lagu sameynin uu sankeeda ahaa mid aan muuqaal wanaagsaneyn.

Dr Zalmai Khan Ahmadzai, oo kamid ah dhakhaatiirta fara kutiriska ee sameeyay qalliinada dib loogu hagaajiyo wajiga ee dalka Afghanistan ayaa sheegay in uu aad ula dhacsan yahay dedaalka uu sameeyay iyo dib usoo kabashada sanka Zakra.

“Qaliinkii aan ku sameynay waa uu hagaagay, mana jirin wax infekshan ah oo ay boogta qaaday, xoogaa waxaa jiray in ay xanuun balse wax dhib ah ma ayan lahayn,” ayuu yiri dhakhtarka.

Tobankii sano ee lasoo dhaafay ayuu dhakhtarka sheegay in uu la tacaalay kiisas oo kan Zakra lamid ah, kuwaas oo uu sheegay inay ahaayeen dumar wajiga ay ka garaafeeyeen walaaladoo ama raggooda.

Safarkii dheeraa

Zarka waxay kasoo jeedaa qoys danyar ah oo dega deegaanka Khairkot oo qiyaastii 250 kilomitir u jirta caasimadda Kabul. Ma ahan qof wax bartay oo wax akhrin kara ama qori kara.

.
Dr Zalmai

Deegaanka ay reerkeedu degan yihiin waxaa gacanta ku haya kooxda Taliban. Wadahadal dhexmaray siyaasiyiin maxali ah iyo kooxda Taliban ayaa keentay in loo soo safriyo magaalada Kabul, maadaama kooxda aysan oggoleyn qallin lagu sameeyo wajiga.

Xilliga qalliinka lagu sameynayay, Dr Zalmai waxaa xanuunka corona ugu geeriyootay xaaskisa, markii uu soo aasayna waxaa uu dib ugu soo laabtay shaqada, si uu u sameeyo qalliinka.

“Markii ay ii imaneysa xaaladeeda waa ay liidatay, waxyeela ba’an ayaana gaadhay sankeeda,” ayuu dhakhtarka.

Markii uu qiimeeyay xaaladeeda, waxaa uu siiyay xilligaas daawooyin ka caawiyay xanuunkii hayay iyo inay meesha qaado infekshan. Muddo shan asbuuc kadibna waxaa ay dib ugu soo laabatay magaalada Kabul, halkaas oo lagu sameeyay qalliinka.

Tuhunka iyo gacan ka hadalka

Zakra oo oggolnaasho ay in muuqaal laga duubo siisay BBC-da ayaa waxay ka hadashay tacadiga loo geystay.

.
Zakra ayaa qallin dhanka ah lagu sameeyay

Seygeeda ayay sheegtay inay isku da’ yihiin. Waa xoolo raac ilaaliya dadka kale xoolahooda.

“Waxaa igu daray adeerkey, xilligaasina aa ayaa u yaraa waxbadanna kama ogeyn noolasha ama guur, mana xusuusta xilligaas inta an jiray,”ayay sii raacisay hadalkeeda.

Waxaa kale oo ay sheegtay in raali ka tahay iyo inkale aanan la weydiinin.

Sanado kadib waxaa ay ogaatay in adeerkeed uu wax ku badeshay oo uu guursaday mid kamid ah gabdho ay walaalo yihiin seygeeda.

Zakra
Zakra

“Adeerkey ma uusan awoodin lacagta gabaatiga sidaa darteed aniga ayuu i siiyay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si lamid sida ay sameeyan waalidiinta Soomaalida qaar kamid ah,waalidiinta dalka Afghanistan waxaa ay lacag ka qaataan ragga guursanaya gadhahooda. Waa arrin aan waafaqsaneyn sharciga dalkaas balse aad looga dhaqmo guud ahaan Afghanistan.

Markii ay Zakra aqal galeen seygeeda, waxaa ay ogaatay in uu yahay nin u gacan qaada gabdhaha walaaladii ee isaga la dhashay.

“Ma uusan isticmaali jirin waxyaabaha maanka dooriya, mana uusan qabin dhibaatooyin dhanka maskaxda,” ayay tiri Zakra.

‘Waxaan u baqay nafteyda’

Muddo markii ay is qabeen, odaygeeda wuxuu doonayay in uu guursado gabadh kale, mana ahan wax ku cusub Afghanistan in qofka uu guursado xaasas kale, waxaana ay shegtay in uu ku yiri “kama aanan helin, waxaana guursanayaa xaas kale.

Haseyeeshee ma uusan heysanin lacag kale oo uu ku guursado xaas kale, waxaana ay tiri “waa uu i garaaci jiray, waxaana u baqay noolasheyda”.

Haweeneydan ayaa markiiay dhibaatooyin badan kala ullantay seygeeda waxaa ay u carartay guriga waalidkeeda, waxaan ay dlbatay in laga furo ninka. Markii ay guriga ka baxeysay ma aysan oggolansho weydiisanin ninkeeda, waxaana uu uga daba tegay guriga waalidkeeda.

Zakra oo ku sugan isbitaalka
Zakra oo ku sugan isbitaalka

“Markii aan habeen ka maqnaa, waxaa uu iiga daba yimid guriga waalidkeyga isagoo gacanta ku wata mindi, aabahay ayuu ku yiri isagoo gacan geli,balse aabahay iyo ina adeerkey ayaa ku yiri kuam soo gacan gelineyno ilaa uu ku damaanad qaadayo Zakra in aanu wax u dhimeynin” ayay Zarka tiri mar ay la hadleysay BBC-da.

Ninkii qabay gabadha ayaa ballan qaaday in usan taaban doonin gabadha balse markii ay gabadha dib ugu laabatay gurigeeda, waxaa dhacay wax an la maleysaneynin.

“Markii aan kasoo laabtay guriga waalidkeyga, waa uu i garaacay markale, markale haddana waxaan ku cararay dadka deriska maxaa yeelay wuxuu iigu hanjabay in uu sanka iga jari doonaa,” ayay tiri gabadha oo ka shekeeyneysay wixii qabsady.

Arrintii ayaa waxaa soo kala dhexgalay dadka deriska, balse waxaa ay ahayd oo keliya wax kooban, waxaase gabadhu ay sheegtay in uu soo kaxeeyay kuna yiri: “waxaan ku geynayaa guriga waalidkaaga”.

Xanuun iyo dhiig bax

Waxaas oo dhan waxay u muqdeen shirqool uu watay, waxaana uu sida ay sheegtay geeyay meel barxad ah. Zakra waxaa ay sheegtay in ninkeeda uu sidoo kale watay qori.

“Intuu isoo qabtay ayuu i yiri inteed u carareysay? markiiba waxaa uu jeebka kala soo baxay mindi wuxuuna iiga gooyay sanka”, ayay sheegtay.

Markii iyadoo dhiigeysa ay weydiisay sababta uu u dhibaateeyay ayuu ku sheegay in sabab la’aan ay aaday guriga waalidkeed, taas oo uusheegay in isaga ay ceeb u horseeday. Markii ay dhibaatadaas gaartay ayay sheegtay in iyadoo dhiigeysa uu ka dhaqaaqay.

.

XIGASHADA SAWIRKA,DR ZALMAI KHAN AHMADZAI

Waxaa ay sheegtay in xanuun badan ay dareentay, markeedi horena ay dhib ku qabtay nefta. Markii uu isaga dhaqaaqay ayaa qeylideeda waxaa maqlay dadka dariska, kuwaas oo u yimid, caawiyayna. Waxaa markiiba la geeyay goob caafimmaad balse dhaktarkii halkaas joogaya aya sheegay in uusan dib ugu dhajin karin sanka qeybtii go’day.

Caradii ka dhalatay

Zarka waxaa uurkutalo ku noqotay arrintan. Aabaheed iyo dadkii qaraabada la ahaa ayaa damcay inay kasoo aargudaan ninkeedi dhibka u geystay, balse uma aysan suurtagelin in ay gacanta ku dhigaan.

“Waa ay caroodeen oo waxaa ay la yaaben sida uu dhibka iigu geystay, waxayna ugu hanjaben dil haddii ay gacanta ku dhigaan,” ayay xusuusatay Zarka.

Booliska dalka Afghanistan ayaa markii dambe gacanta ku dhigay ninkii kahor inta aanay arkin qoyskeeda.

Dad badan ayaa ka damqaday dhibka gaaray

Zarka waxaa lagu daaweeyey gudaha dalkeeda balse wali wax badan ayay u baahnayd, sidaa awgeed, waxay aad ugu baahnayd in ay fursad u hesho qalliin dib loogu sameeyo sankeeda.

“Qaab kasta oo ay u sameeyaan marka ay qalliinka sameynayaan… waan ogolaanayaa. Waxaan doonayay oo kaliya san ee wax kale ma ahan, “ayay tiri.

Sawirrada Zarka oo wejigeedu uu dhiig ka daadanayo ayaa si weyn loogu baahiyay intarneedka, arrintaa oo soo jiitay Dr Zalmai.

Baraha xiriirka bulshada ayuu ku sheegay in si bilaash ah uu u daweynayo. Waxa kale oo uu la xiriiray gobolka ay Zarka deggan tahay, taa oo ka caawisay in gabadhaasi la keeno magaalada Kaabuul.

Markii xaaladdeedu ay soo fiicnaatay ayuu khalliin ku sameeyay isaga oo kaashanaya shaqaalihiisa qeybta qalliinka.

“Ugu horreyn waxaan ka hawlgalnay qeybta dhexe ee sanka oo markii hore middi lagu gooyauy,” ayuu yiri Dr Zalmai.

“Waxaan cad yar oo maqaar ah ka qoynay maqaarka sanka agtiisa ku yaal, kaddibna waxaan u isticmaalnay in aan ku kabno qeybta maqan.”

.

Qalliinka waxaa lagu sameeyey qaab suuxdin ah, waxaana la ogaa waxa qaliinkaasi ka dhalan kara. “Dhakhaatiirta waxay ii sheegeen inaan soo caafimaadaya oo sankeygana sidiisi hore uu ku soo noqonayo,” ayey tiri. Waana waxa ay bilooyin gabadha sugeysay iney maqasho.

Dr Zalmai wuxuu la socdaa xaaladdeeda waxa ku soo kordha haddii ay u baahato dabiibka shucaaca ama si uu u siiyo dabiibka aaladda leysarka ama silicon haddii ay u baahato.

“Isu socodka dhiigga waa sidi la rabay. Xididdadana sida oo kale iney shaqeynayaan” ayuu iyada u xaqiijiyey.

Dr Zalmai wuxuu sheegay adeegga daweynta uu siinayo iney ku baxeyso ku dhawaad $2,000 oo doolar. Waxaana intaa dheer, dawo ay ku kaceyso $500 oo doolar oo Zarka la siiyey.

Waxa keli ah uusan awoodin waxay tahay talainta dhinaca cilmu-nafsiga si looga caawiyo kalsoonideeda si ay u soo ceshato.

Wiilkeeda oo la u gaarsanayo

Zarka waxay ka welwelsan tahay wiilkeeda, oo weli la nool qoyska seygeeda.

BBC

 

“Wiilkeyga Mashooq ma arkin muddo saddex bilood ah, aad aya u jeclahay, waxaana doonayaa in uu wiilkeyga aniga ila joogo” ayay ku doodeysaa Zakra.

Waxaa ay sheegtay in wiilkeeda oo la nool yahay reer xididkeed balse aanu cadaawad lamid ah tan aabihi uusan u qaadin.

Waalidiinteeda ayay sheegtay inay kula taliyeen in ay faraha ka qaado canuga iyagoona cabsi qaba waxa uu sameyn karo haddii xabsiga kasoo baxa.

Haseyeeshee iyadu waxaa ay ku adkeysaneysaa in ay jeceshahay wiilkeeda oo anaay ka ahaan karin.

Furriin ayay sheegtay inay ka dalban doonta seygeeda marka uu xabsiga kasoo baxo waxaase ay ka walwalsan tahay in uu siin doona canuga iyo inkale.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this