Deeq A. Posted August 4, 2020 Warar dheeraad ayaa waxaa laga helayaa askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta barqadii lagu dilay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir. Kooxo ku hubaysanaa Bastoolado ayaa toogtay askariga oo la sheegay in ay aheyd Haween ka tirsan ciidamada, qolyahaa dilka geystay ayaa lasheegay in askariga ay wada murmeen kadibna ay si kadis ah ay ugu fureen xabado. Qolyihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, ciidamada ammaankaa dowladda Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa ka qaaday meydka askariga la toogtay. Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal loo geysto Ciidamada dowladda federaalka , waxaana inta bada dilalkaas sheegta Al-shabab. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites