Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye ciidan oo xilkiisa ku waayey xad gudub lagula kacay ilmo yar

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliye ciidan oo xilkiisa ku waayey xad gudub lagula kacay ilmo yar

 

 saad-300x168.jpg

Dowlada Ciraaq ayaa sheegtay in taliyihii ciidamada dhowrista sharciga, General Saad Khalaf, laga qaaday xilkii, kadib markii ciidamadiisa lagu eedeyay fal dambiyeed lagula kacay ilmo yar oo ku sugnaa gudaha magaalada Baqdaad.

Waxaa sidoo kale la sheegay in xabsiga la dhigay ciidamo lagu tuhmay in ay ku lug lahaayeen falkaas.

Sabtidii la soo dhaafay ayaa baraha bulshada waxaa lagu baahiyay muqaal muujinayay ilmo yar oo aan wax dhar ah xirneyn isla markaana dhulka fadhiya ayna ku wareegsan yihiin ama hareeraha ay ka taaganyihiin rag ku labisan dharka milatariga oo nin ka mid ahaa ragaas uu cunuga yar timaha ka jiidayo.

Ilmaha yar oo ahaa wiil ayaa waxaa ka muuqday cabsi iyadoo qaar ka mid ah ragga ku wareegsanaa ay muuqaalo uga duubayeen telefoonnada gacanta.

Muuqaalka ayaa laga maqlayay codka nin weydiinaya cunugga yar hooyadiis, midabkeeda iyo cidda la nool, haddii aabihiis nool yahay iyo hadii kale, ka dibna wuxuu weydiinayaa su’aalo ku saabsan jirka hooyadiis oo aflgaado ah.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this