Sign in to follow this  
Deeq A.

Norway: Dad badan oo saaran markab Dalxiis oo laga helay Xanuunka covid19+Go’aanka laga qaatey

Recommended Posts

Deeq A.   

Norway: Dad badan oo saaran markab Dalxiis oo laga helay Xanuunka covid19

 markab.jpg

In ka badan 40 ruux oo saaran markab dalxiis oo lagu magacaabo “MS Roald Amundsen” islamarkaana laga leeyahay dalkaasi Norway ayaa waxaa laga helay cudurka COVID-19.

Boqollaal kale oo rakaab ah oo isla markabkaasi saarnaa ayaa iyana la geeyay goob karantiil oo lagu baarayo caafimaadkoosa.

Markabkab oo ay leedahay shirkadda “Hurtigruten” ayaa kasoo shiraacday deked ku taal magaalada Tormsø ee waqooyiga dalka Norway Jimcihii, waxaana dhacdadan kadib ay shirkaddu qaadatay go`aan ah in ay shaqo joojin ku wada sameyso doomeheeda.

Dowladda Norway ayaa ku dhawaaqday in ay shaqo joojin ku wada sameyn doonto muddo 14 casho ah dhammaan doomaha qaada wax ka madan 100 ruux.

Booliska oo soo faragaliyay dhacdadan markabkan ayaa sheegay in ay baarayaan bal in ay jiraan shuruuc la jabiyay oo ku aadan nidaamkii loo dajiyay cudurka COVID19.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this