Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Khudbadaha Siyaasiyiintii ka hadlay Shirka Beesha Muddulood

Recommended Posts

Deeq A.   
1-4.jpg?w=1000&ssl=1

Xarunta Mowlaca Macallin Nuur, oo ku taalla Degmada Hodon ee Gobolka Banaadir, waxaa Maanta oo Isniin ah ka furmay Shirweynaha Wada-tashiga Beesha  Mudduloodka, oo looga arrinsanayo Aayaha Beesha iyo sidoo kale Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka.

Shirka Waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Ra’iisul wasaarayaal hore, Madaxweynaha Hirshabeelle, Wasiiro, Xildhibaanno, Siyaasiyiin, Aqoonyahanno, Duubabka Dhaqanka Beesha Mudduloodka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Ugu horrayn, Imaamka Guud ee Beesha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf oo  shirka furay, ayaa soo dhoweeyay ka qayb-galayaasha Madasha, isagoo uga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen Shirka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), oo isna Khudbad ka jeediyay Shirka, ayaa sheegay in Siyaasiyiinta u dhashay Beesha ee xilalka haya iyo kuwa aan Xilalka hayn, ay tahay in ay wada ilaaliyaan mabaadi’da iyo masaaliixda Danta Guud.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, wuxuu isna Shirka u soo jeediyay in si midaysan looga wada-shaqeeyo Horumarinta Degaannada ay degto Beesha Muddullood, maadaama cid kasta mas’uuliyad gaar ah ka saarantahay ilaalinta iyo Horumarinta Degaanka ay degto.

Khudbadaha kala duwan ee Shirka laga jeediyay ayaa waxa hareeyay Arrimaha Siyaasadeed ee Dalka ka taagan, gaar ahaanna Marxaladda Kal-guur ah iyo Doorashada soo socota oo aan weli heshiis laga gaarin Hannaanka ay u dhacayso.

Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo hadal ka jeediyay Shirka, wuxuu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu saxiixo 13- kursi ee Aqalka Sare laga siiyay Gobolka Banaadir, kaasi oo ay hore u ansixiyeen Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Cali Mahdi Maxamed oo Khudbado kala duwan ka jeediyay Shirka, ayaa dhammaantood ku baaqay in Doorashada soo socota wakhtigeeda lagu qabto islamarkaana waxay Madaxweyne Farmaajo uga digeen in uu mudda kororsi isku dayo.

Sidoo kale, Sii haya Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abukar islow Ducaale oo Shirka ka hadlay, ayaa si adag uga hadlay Arrimaha Doorashada, waxaana uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan hal maalin ku darsan Karin Doorashada, ayna tahay in uu qabto Doorasho heshiis lagu yahay oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Balse, Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo si lama filaan ah hadalka u qaatay, ayaa sheegay in Madaxweynayaashii Farmaajo ka horreeyay uu mid kasta ku darsaday Wakhti, sidaasi darteedna Madaxweyne Farmaajo ku darsan karo wakhtiga, si loo qabto Doorasho qof iyo cod ah.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, oo Khudbad ka jeediyay Shirka Beesha Muddulloodka wuxuu sheegay in Dowladnimada Soomaaliya meel fog laga keenay Beeshuna ay Naf iyo Maal badan gelisay soo celinta Dowladnimada Soomaaliya sidaas darteedna ay tahay in la wada-ilaaliyo Nidaamka iyo Dowladnimada Dalka.

PUNTLAND POST

The post Akhriso: Khudbadaha Siyaasiyiintii ka hadlay Shirka Beesha Muddulood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this