Sign in to follow this  
Deeq A.

Dayuurad ka soo Duushay Kenya,Kuna jeeday Puntland oo Dawlada Somalia Hawada ka celisay

Recommended Posts

Deeq A.   
Dayuurad ka soo Duushay Kenya,Kuna jeeday Puntland oo Dawlada Somalia Hawada ka celisay
 diyaarad-1.jpg

Dayuurad siday 11 tan oo Qaad ah oo Kenya ka timid kuna wajahnayd Puntland ayaa maanta dib looga celiyay kadib markii lagu eedeeyay xad-gudubyo ka dhan ah xayiraadaha Covid-19.

Waa diyaaradii labaad oo Qaad siday oo dowladda Soomaaliya ay ka celiso hawadeeda muddo todobaadyo gudaheed.

Guddoomiyaha Ururka Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya Kimathi Munjuri, ayaa ka horyimid tallaabadaas, isagoo sheegay in diyaaradda xamuulku ay raacday dhammaan qawaaniinta looga baahnaa.

Soomaaliya ayaa hakisay ganacsigii Miraa bishii Maarso taas oo qayb ka ah tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka Covid-19.

Arrintaan ayaa kusoo aadaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay fasaxday duulimaadyada caalamiga ah.

Balse diyaaradaha xamuulka oo ay kamid yihiin kuwa Qaadka keena Soomaaliya weli lama fisixin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this