Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariye Abuuja oo maanta la horgeeyey Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo muddo dhowr bilood ah u xiran dowladda federaalka Somalia ayaa markii ugu horreysay maanta ka soo hor muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Maxkamadeynta Wariyaha ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay xarunta Maxkamadda Ciidamada ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa dhageysiga dacwadda wariyaha goob-joog ahaa qaar ka mid ah ururada saxaafadda, wariyeyaal iyo waalidiinta, Maxamed Cabdiwahaab Abuuja.

Fadhigii maanta ee maxkamadda ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur Shuute wuxuuna sheegay in go’aanka kama dambeysta ah ay dib ka soo sheeegi doonto maxkamadda Ciidamada.

Abuuja ayaa loo heystaa inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, sida lagu shaaciyey war ka soo baxay 22-kii bishii April ee sanadkan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Tan iyo markaas wixii ka dambeeyey ayaa waxaa kiiskiisa la wareegtay Maxkamadda Ciidamada oo muddo kadib maanta dib u bilowday dhageysiga dacwaddiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this