Deeq A. Posted August 3, 2020 Ciidamada Amniga dalka Meksiko ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen hogaamiyihii kooxda gaangiistarada wadankaasi oo rabshado xoogan ka waday bartamaha waqooyiga Meksiko. Kooxdan ayaa sida la sheegayo sannado badan waxa ay dagaallo ka wadaan gobolka waxaana loo aqoonsaday in ay yihiin koox Burcad Dambiilayaal ah. Mas’uuliyiinta Gobolkaas ayaa xaqiijiyay in ninka lagu magacaabo Antonio Yepez Ortiz oo loo yaqaano (El Marro) la qabtay Axadii Shalay isaga iyo shan xubnood oo kale. Sidoo kale ciidamada Amniga Meksiko ayaa sheegay in ay hawlgalka kusoo furteen hub ay kooxdu adeegsan jirtay iyo sidoo kale Ganacsato ay qafaasheen. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyihii Burcadka Meksiko oo gacanta lagu dhigay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites