Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Oo La Kulmay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon oo ku sugan dalka Turkiga ayaa la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda dalkaasi, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga.

Weli ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray kulanka Faratoon uu la yeeshay Mas’uuliyiinta Turkida ah, balse waxaa xusid mudan in Somaliland ay dhawaan Wakiil cusub u magacowday dalkaasi.

Sidoo kale, Turkiga ayaa horey qayb uga ahaa Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, wallow la sheegay in aanu hadda qayb ka ahayn wada-hadallada socda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this