Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka Oo Helay Tallaal Muhiim Ah Iyo Mareykanka Oo Ka Walaacsan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Wasaaradda Caafimaaka dalka Ruushka ayaa sheegtay, hay’adaha caafimaadka dalka Ruushka inay iisu diyaarinayaan olole tallaal oo ballaadhan oo ku saabsan Coronavirus oo bisha Oktober dalkaasi laga fulinayo.

Warbaahinta dalka Ruushka oo soo xigatay wasiirka caafimaadka Ruushka Mikhail Murashko waxay sheegeen dhakhaatiirta iyo macallimiinta in tallaalka ugu horreeya lagu billaabayo.

Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xigatay ilo wareedyo ay shaacin ayaa sheegtay in tallaalka Ruushka uu ku guulleystay si rasmi ah bishan loo ansixin doono.

Hase yeeshee, khubarada qaar waxay walaac ka muujiyeen Ruushka orodka u uugu jiro inuu noqdo dalka ugu horreeyey ee tallaalka Covid-19 soo saara.

Jimcihina, Khabiirka sare ee cudurrada faafa ee dalka Mareykanka, Dr Anthony Fauci, wuxuu sheegay inuu rajeynayo Ruushka iyo Shiinaha “iney tallaalka si dhab ah u tijaabinayaan” ka hor inta ay cidna kaga hormarin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this