Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Siciid Deni oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo khudbad ka jeedinayey sanad guurada aas-aaska maamulkaasi ayaa ka hadlay xaaladda dalka, isagoo eedeymo culus u jeediyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ugu horrey Siciid Deni ayaa sheegay in dowladda dhexe maalmihii u dambeeyey ay la soo baxday saan-saan aan wanaagsaneen oo dib u dhigi karto dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii Dowladda Federaalka waqti fiican oo badan ayaa la geliyay, balse ayaantaan waxa ay lasoo baxday saan-saan aan wanaagsaneen oo dib u dhigi karto, kala dambeynta iyo horumarku waxa uu ka dhashaa dhowrista Dastuurka Dalka.” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale wuxuu wuxuu ka soo horjeestay ansixinta Golaha Adeegga Garsoorka oo dhowaan ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada, isaga oo sharci darro ku tilmaamay.

“Waxa aan indhaha laga qabsan karin ku tumashada dastuurka dalka oo ay ku dhaqaaqayaan Wasiirada KMG ah ee xilka sii haya, maalmihii u dambeeyay waxaa socday Xad-gudubyo Dastuur” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha Puntland.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyey dhaleeceyn xoogan ay la kulmeysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii la riday Khayre.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

116515912_969722473441273_5586597243059421290_o 116582226_969723556774498_1781514099197803765_o 116583165_969724096774444_5606691329231996756_o 116268494_969723900107797_7339455916261708821_o 116445405_969721826774671_894127783552561667_o 116508904_969722840107903_5616018770560635270_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this