Sign in to follow this  
Deeq A.

Geel Masafo 100 km u soo jaray si uu ula midoobo Qoyskii lahaa oo iska iibiyay+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Geel Masafo 100 km u soo jaray si uu ula midoobo Qoyskii lahaa oo iska iibiyay+Sawirro

 geel-1-300x160.jpg

Geel uu haleelay dareenka Guri Jamasho oo afka qalaad lagu yidhaahdo ‘homesick’ ayaa degay qalbiyada malaayiin Shiinees ah kaddib markii la ogaaday inuu fogaan dhan 100 km usoo jaray si uu dib ugu soo noqdo guriga mulkiilihii lahaa – sideed bilood kaddib markii la iska iibiyay.

Wuxuu soo xulay saxaraha dhulka Mangolia ee dalka Shiinaha isaga oo maalmo badan kusoo jiray safar uu ugu danbeyntii kusoo gaadhay halkii uu doonayay.

Geelkani oo ay oogadiisa ka muuqatay nabarro kala duwan ayaa bidhaantiisa la arkay isaga oo cagafeynaya dhulka saxaraha ah ee Shiinaha. Geeljire kamid ah dadka degaanka ayaa siiyay magan-gelin iyo cunno. Wuxuuna ku dadaalay inuu ogaado halka uu kasoo naqraacay. Warkiisa siima daahin ilaa uu ka gaadhay ninkii lahaa oo ay kasoo lumay. Balse hadda waxaa – kaddib ogaanshaha sheekada geelani – ninkii hore u lahaa uu doonayaa inuusan dib ugu celin gacantii uu kasoo baxsaday.

Temur oo ah geeljirihii awal iska lahaa mulkiyaddiisa iyo afadiisa waxay bishii October sannadkii hore geelooda ka iibiyeen nin kale oo kaddibna la aaday masaafo u jirta 100 km halka ay ku nool yihiin.

qacdii hore, geela ayaa u muuqday inuu la qabsaday dabeecadda cusub ee degaanka la geeyey, balse bishan July dhexdeeda wuxuu usoo cararay jihada gurigii uu kusoo qaangaaray.

Marka loo eego muqaallo kala duwan oo laga sameeyey qisadiisa, geelkani wuxuu soo jaray 100 km isaga oo soo maraya buuro iyo dooxooyin kahor inta uusan kusoo dhicin lama-degaanka u dhow halkii uu kusoo barbaaray.

“Markii aynu maqalnay warkiisa, waxaan doonnay inaan la hadalno mulkiilihii naga iibsaday awal, waxaan dooneynaa inaan siino neef kale si aan ugu bedelno,” ayuu yidhi Temur.

“Kama iibsan doono qolo kale mar danbe. Waayo waxaan ogaanay inuu si dhab ah nooga mid yahay,” ayay tidhi afadiisa.

Sheekada socdaalka geelkani waxaa daawaday in ka badan 16 milyan kuwaas oo aragtiyo kala duwan ka dhiibtay.

“Aad bay iiga ilmeysiisay sheekadiisa, xooluhu waa baariyaal,” ayuu yidhi qof ka dhiibtay aragtidiisa.

Mid kale ayaa intaas ku darsaday: “Ma suurayn karno silicii uu usoo maray si uu ugu danbeyntii ula midoobo reerkiisa, waxaa ku dhacay guri-jamasho xad-dhaaf ah.”

 

geel-1.jpg?resize=620%2C330&ssl=1 geel-2-1.jpg?resize=636%2C358&ssl=1

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this