Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay inay diiwaan-gelisay 10 urur siyaasadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah u dhammaystiray Hannaankii Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland.

Hannaanka Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland oo soo bilowday 15-kii December 2019, waxa uu soo maray saddex wareeg oo kala duwan, kuwaas oo dhammaantood Maanta la soo dhammaystiray.

Waxaa ka mid ah Urur Siyaasadeed ay hoggaamin doonaan Madaxda tallada heysa ee Puntland.

10-ka Urur-siyaasadeed waxay kala yihiin; Mideeye, Kaah, Mustaqbal, Dhalinyarada, Run & Caddaalad, Ifiye, Shaqaalaha, Horseed, Himilo iyo Caddaalad & Sinnaan.

Halkan hoose ka akhriso:

ururo-siyaasadeed

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this