Sign in to follow this  
Deeq A.

Hong Kong oo dalbatay xadhiga shaqsiyaad ay si weyn u baadigoobayso

Recommended Posts

Deeq A.   

Hong Kong oo dalbatay xadhiga shaqsiyaad ay si weyn u baadigoobayso

Simon Cheng iyo Nathan Law ayaa ka mid ah dadka la baadigoobayo
Simon Cheng iyo Nathan Law ayaa ka mid ah dadka la baadigoobayo

Booliiska Hong Kong ayaa dalbanaya in la xiro 6 qof oo u dhaq-dhaqaaqa dimuqraadiyada oo imika ku nool dalalka reer galbeedka sida UK, sida ay warbaahinta qortay.

Waxaa ka mid ah dadka ay Hong kong dalbanayso in la xiro Simon Cheng oo horey uga shaqeyn jiray qunsuliyada UK, Nathan Law oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada iyo Samuel Chu oo ah muwaadin haysta dhalashada Mareykanka .

Waxaa shaqsiyaadkan loo haystaa in ay jabiyeen sharciga cusub ee ammaanka oo ay dowladda Shiinaha ku soo rogtay Hong Kong,sida uu baahiyay telefishinka Shiinaha.

Booliiska jasiirada Hong Kong ayaa dhankooda diiday in arrintaan ay ka hadlaan.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa maalin uun ka dib markii doorashadii lagu waday in Hong Kong ay ka dhacdo bisha September ay dowladda dib u dhigtay muddo hal sano.

Go’aankaas ayaa lagu micneeyay sababo la xiriira kiisaska cudurka Covid-19 oo sare u sii kacaya.

 

Balse mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeyay in ay marmarsi ka dhiganayso feyriska Corona.

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa tallaabada dowladda Hong Kong ku tilmaamay mid minjaxaabinaysa dimuqraadiyada jasiiradaasi.

Dowladda UK ayaa maamulka Hong Kong ku wareejisay Shiinaha sanadii 1997, balse imika waxaa laga cabsi qabaa in xorriyadda dimuqraadiyada ee jasiiradaasi uu halis ku jiro.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this