Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad cabay Dawo Gacmaha Jermiska lagaga nadiifiyo oo geeriyooday+Sababta ku keliftay inay cabaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dad cabay dawada gacmaha lagu nadiifiyo oo geeriyooday

baaritaan dheeraad ah ayaa loo diray si loo ogaado waxa ay dhabtu tahay
baaritaan dheeraad ah ayaa loo diray si loo ogaado waxa ay dhabtu tahay

Ugu yaraan 10 qof ayaa geeriyootay kadib markii ay cabeen walxo ka sameysan dawada jeermiska disha ee loo isticmaalo gacmaha.

Arrintaan ayaa timid kadib markii la xiray dukaamadii tuulo lagu iibinayay khamriga oo ku taala gobalka Andhra Pradesh ee dalka Hindiya

Tuulada Kurichedu ayaa xayiraad la galiyay kadib markii laga helay kiisas badan oo la xiriira fayraska karona .

Taliyaha booliska deegaanka arrintu ka dhacday oo lagu magacaabo Siddharth Kaushal ayaa sheegay in dadka dhintay ay dawada jeermis dilaha ah ee lagu nadiifiyo gacmaha ku dareen biyo iyo cabitaano fudud.

Waxyaabaha dadku cabeen oo ka samaysn dhowr nooc oo ah waxyaabo la isku daray ayaa dadku bilaabeen in ay cabaan toban maalmood ka hor.

“Waxaan baaraynaa bal in nadiifiyaha ay ku jiraan walxo kale oo sun ah,” ayuu yiri Mr Kaushal oo warbaahinta la hadlayay.

Wuxuu intaasi ku daray in baaritaano la xiriira dawadaan loo diray dadka ku takhasusay waxyaabaha kiimikada si looga sal gaaro waxa ay dhabtu tahay .

“Qaar ka mid ah dadka la qabatimay isticmaalka khamriga ayaa markii ay gacmaha marsadaan dawada jeermis-dilaha ah ku mirqaama waxaa sidaas wakaalada wararka ee Reuters u sheegay Siddharth Kaushal.

 

“Khamriga lama heli karo sababtoo ah xayiraad ayaa lagu jiraa balse daawada gacmaha lagu nadiifiyo ee jeermiska disha waa fududahay sida lagu helo”ayuu Mr Kaushal.

Dowladda federaalka ah ee dalka Hindiya ayaa dib u furtay ganacsiyada badankood si looga hortago dhaqaale burbur dalka ku yimaada.

Toddobaadkan horaantiisii waxaa la shaaciyey in machadyada jimcsiga loo yaqaano Yogada iyo goobaha lagu ciyaaro loo ogolaan doono in dib loo furo, isla markaana xayiraadaha laga qaadi doono dhaqdhaqaaqa alaabada iyo dadka.

Si kastaba ha noqotee, gobollo badan ayaa waxaa sii saarnaan doona xayiraadaha meelo gaar ah maadaama kiisaska cudurka ay soo badanayaan qaybo ka mid ah dalkaas.

Kiisaska la xaqiijiyey ee cudurka Covid-19 ee gobalka Andhra Pradesh, oo ku yaal koonfurta Hindiya,ayaa aad sare ugu kacay marka loo eego kiisaskii cudurka ee bishii la soo dhaafay.

Dhanka kale, Hindiya ayaa diiwaan gelisay in ka badan 55,000 oo ah kiisas cusub wadanka oo idil kuwaas oo la soo wariyay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Tirada dhimashada ayaa iyana kor u kacday oo gaartay 779 kun oo oqf taas oo wadarta guud ka dhigaysa 35,700 oo qof.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this