Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiyo Xasan Sheekh Cali oo xil-ka qaadis lagu sameeyey iyo sababta ka dambeysa (Aqri)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa xil-kii looga qaaday duqa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraa, Safiyo Xasan Sheekh Cali.

Sababta xil-ka looga qaaday Safiyo ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha magaalada Beledweyne.

Sidoo kale isla wareegtadan ayaa waxaa xil-kaasi loogu magacaabay, Nadar Tabaax Maalin oo la amray inay si deg-deg ah xil-ka ula wareegto.

Waxaa sidoo kale la faray dhammaan hay’adaha amniga iyo shacanka inay la shaqeeyaan Nadar, si u gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Safiyo Macalin Xasan oo xafiiska joogtay muddo sanad iyo bilooyin ah ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee noqota Duqa degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Halkan hoose ka aqriso:

116792031_343208827074775_47382760971396

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this