Sign in to follow this  
Deeq A.

Hirshabeelle: Duqii Magaalada Beledweyne oo xilka laga qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   
Beledweyne.jpg?w=1000&ssl=1Duqii xilka laga qaaday

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xilka qaadis ku sameeyay Duqii degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Safiya Sheikh Xassan Jimcaale.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo ku taariikhaysan 30-kii July 2020 ayaa xilka looga qaaday marwo Safiya waxaana xilkaasi loo magacaabay Nadar Tabaax Maalin.

Wareegtada ayaa lagu xusay in isbeddelkan loo sameeyay si loo dardar geliyo hawlaha ka socda Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka hiiraan waxaana hay’adaha Amniga iyo Shacabka Beledweyne lagu amray in ay la shaqeeyaan Duqa cusub.

Halkan ka akhriso wareegtada

Magacaabid.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Hirshabeelle: Duqii Magaalada Beledweyne oo xilka laga qaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this