Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shebelle oo ka qeyb-qaadatay farxad-gelinta qoysaska danta yar

Recommended Posts

Deeq A.   

Shabelle ayaa mar kale u istaagtay sidii ay uga qeyb qaadan laheyd farxad-gelinta iyo ciidsiinta caruurta agoonta ah iyo qoysaska danta yar ee magaalada Muqdisho.

Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo ka duuleysa baahida dadka danta yar, si ay uga qeyb qaataan farxadda munaasabadda Ciidul- Adxaa ayaa waxa ay sameysay barnaamij ay ku caawineyso caruurta agoonta ah iyo qoysaska danta yar .

Shabelle oo dhaqaale aruurin u sameysay dadka danta yar ayaa iibisay dhowr neef oo isugu jira Geel iyo Ari, si ay ugu udxiyeystaan qoysaskaasi.

Cumar Sheekh Axmed (Cumar Shaam) oo ka mid ah howl-wadeenada Shabelle ayaa faah-faahin ka bixiyey barnaamijka lagu caawinayo dadka danta yar oo ay Shabelle kaga qeyb qaadaneyso farxad-gelinta qoysaska tabaaleysan.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadkii ka faa’ideystay udxiyadan ayaa ka mahadceliyey, sida ay Shabelle uga qeyb qaadatay faraxd gelintooda

Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo ah warbaahin madax banaan ayaa horey u fulisay barnaamij lagu ciidsiiyey caruurta agoonta ah, waxaana ay markasta u taagan tahay caawinta dadka danta yar ee ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

116502971_1817122905096856_3384571525653007209_n 116599946_320053655700978_665135630276415357_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this