Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay kulankii madaxweyne Qoor-Qoor iyo Danjiraha Qatar.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya (Xasan Bin Xamza).

Madaxtooyada Galmudug oo ka warbixisay kulanka ayaa tibaaxday in kulanka si gaar ah diirada loogu saaray xaaladda guud ee wadanka.

“Waxaan maanta hoygeyga Muqdisho kusoo dhaweeyay safiirka dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya, Danjire Xasan Bin Xamza iyo wafdigiisa, safiirka waxaan iska xog wareysanay arrimo badan oo ay ka mid yahiin xaaladda guud ee dalka iyo tan Galmudug” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Safaaradda Qatar ee Soomaaliya ayaan wax war ah kasoo saarin kulanka ay yeesheen safiirkooda iyo Qoor-Qoor.

Dhanka kale madaxweynaha Galmudug ayaa kulan la yeeshay Madasha Xisbiyada Qaran, waxeyna ka wada hadleen arrimo dhawr ah oo ay ka mid yahiin: dhaqan galinta heshiiskii Dhuusamareeb, xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo maareynta marxaladda kala guurka.

Si kastaba Qoor-qoor oo yimid isniintii magaalada Muqdisho ayaa la fahamsan yahay inuu qof beeshiisa kasoo jeeda la raadinayo xilka ra’iisul wasaaraha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this