Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulamada Lagu Raadinayo Xilka Ra’iisulwasaaraha Dalka Oo Meel Adag Maraya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho waxa ka soconaya kulamo  gooni gooni ah oo  loogu xusul duubayo Xilka Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya markii meesha uu ka baxay Ra’iisulwasarihii hore Xasan Cali Khayre.

kheyre-farmaajo-1024x576.jpg

Kulamadan  ayaa ah  kuwo xiligan meel adag oo xasaasi ah maraya waxana Hotelada iyo guryaha ay degan yihiin siyaasiintu si is-daba jooga ah uga dhacaya shirarka looga hadlayo xilka Ra’iisulwasaarnimo.

maxresdefault-1024x576.jpg

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor  oo maalmo ka hor soo gaaray magaaalada Muqdisho , Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa ka mid ah madaxda kulamada qaarkood ka socda Muqdisho kaalin wayn ku leh.

Sequence-16.00_00_00_11.Still002-1024x76

Xalay Magaalada Muqdisho waxa ka dhacay kulan Duqa Muqdisho  uu la qaatay , beelaha dega gobolka Banaadir  si ay isugu raacaan shaqsi ay isku raacsan yihiin , waxa sidoo kale isla Muqdisho  ka qabsoomay kulan kale oo Madaxwaynaha Galmudug uu la qaatay siyaasiinta Galmudug kaas oo looga  hadlayay xilka Ra’iisulwasaarnimo oo loolanka loogu jiro aad u adag.

115777462_2636698946568848_3407711886455

Si kastaba kulamadan ayaa la ogayn  ilaa iyo hadda natiijada ka soo bixi doona kulamada ka socda magaalada Muqdisho ee lagu doonayo xilka Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this