Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Qaadeysa Tallaabo Deg-deg Ah Kadib Xidhiidhkii Masar Iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dowladda Itoobiya ayaa wakiil cusub u soo magacaabaysa Somaliland, kadib markii muddo ka hor la badallay wakiilkeedii u fadhiyay magaalada Hargeysa, midaasi oo ka dhigan tallaabo diblumaasiyadeed oo ay kaga jawaabeyso xidhiidhka Masar iyo Somaliland.

Itoobiya ayaa dhawaan si dhakhso ah usoo magacaabeysa wakiilkeeda cusub, taasi oo ay kor ugu qaadeyso xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Somaliland oo muddooyinkii dambe u muuqday mid uu hoos u dhacay meeqaamkiisu.

Magacaabistan ayaa imaneysa xili ay dhawaan safar ku yimaadeen magaalada Hargeysa wafti ka socday dowladda Itoobiya, oo madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay dar-dar gelinta xidhiidhka labada dhinac, una sheegay inay si dhakhso ah ugu soo magacaabayaan wakiilkooda.

Dib usoo nooleynta xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ayaa kusoo aadaya xili ay dowladda Masar ku howlan tahay sidii ay heshiis cusub ula gali laheyd xukuumada Somaliland, isla markaana ula yeelan laheyd xidhiidh diblumaasiyadeed oo adag.

Itoobiya oo xiisada webiga Nile-ku ka dhaxeyso Masar ayaa u aragta in xidhiidhka Somaliland iyo Masar ee horseedaya in saldhig la siiyo uu caqabad ku noqonayo dhaq-dhaqaaqyadeeda gobolka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this