Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Cabdi Cali “Sharci Xalane Laga Soo Qoray Ayaa Naloo Keenay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Cabdi Cali oo ka hor-hadlayay Golaha shacabka ayaa sheegay in sharciga la dagaalanka Burcadbadeeda la soo qoray xarunta Xalane ee Muqdisho halkaas oo ay degan yihiin Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Screen-Shot-2020-07-30-at-11.39.44-AM-10

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in  sharciga qeexaya in la soo qabto dhallinyarada Soomaaliyeed uu yahay luuqada ay ku hadlaan shisheeyahaha doonaya in ay xaalufiyaan khayraadka dalka uu leeyahay.

aa.jpg

“Marka la qeexayo Burcadbadeeda waxa lagu qeexayaa Wiilasheena , laakiin Burcadbadeeda waa kuwa xeebaha dalka u  jooga in ay dhacaan kaluunka iyo khayraadka kale ee dalka uu leeyahay” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Cali oo ka mid mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Sequence-18.00_00_15_07.Still002-1024x76

Waxa  uu intaas warkiisa uu ku daray in  aan indhaha laga qarsan Karin dhibaatada Maraakiibta shisheeyaha ay ka wadaan xeebaha dalka Soomaaliya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this