Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor iyo Cumar Finish oo Muqdisho ku kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   
Finish.jpg?w=1000&ssl=1

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Labada mas’uul ayaa sida la sheegayo Kulankooda uga wada-hadlay  Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo  hirgelinta Wada-shaqayn dhexmarta Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxay ka wada-hadleen Arrimaha ku gedaaman Xaaladda Kala guur ka ah ee ay marayso Siyaasadda Soomaaliya gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota.

Madaxweynaha Galmudug oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa halkaasi ka wada kulamo u la qaadanayo mas’uuliyiinta kala duwan ee Dowladda Federaalka.

PUNTLAND POST

The post Qoor Qoor iyo Cumar Finish oo Muqdisho ku kulmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this