Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare nafeed oo ka dhashay Dabeylo ku dhuftay Xeebaha Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaarada gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xukuumada Soomaaliya Mudane Xamse Siciid Xamse oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Qasaare Nafeed iyo Mid hantiyadeed ay geysteen Mowjado dabeylo wata oo ku dhuftay qeybo ka mid ah Xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay inay degaano dhowr ah oo ka mid ah Xeebaha Soomaaliya ay daadad xoogani ka jireen kuwaasi oo doonyo badweynta ay kula qalibmeen dadkii saarnaa taasi oo ay dabeyluhu sababeen.

“Waxaa jiro qasaaro nafeed iyo maalmo oo ay geysteen moqjaha Dabeylo wato oo ka socdo dalka gaar ahaan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada dhexe waxaana loo baahanyahay in la qaato fariimaha aan ka jeedineyno qataraha kusoo wajahay deegaanadaasi hase ahaatee waxaa kaloo loo baahanyahay in layska kaashado sidii wadajir loogu wajahi lahaa ayuu yiri wasiir Xamsa Saciid Xamsa .

Sidoo kale Agaasimaha qeybta Maareynta Musiibooyinka ee Wasaarada gargaarka iyo maareynta masiibooyinka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay jirto halis kale oo dhinacyo bada , isaga oo xusay inay Digniin u dirayaan dadka ku nool degaanada ay halistu ka jirto loona baahanyahay in laga digtoonaado isla markaana ay ka dalbanayaan bulshada inay qaataan fariimaha digniinta ah ee Wasaaraddu bixineyso.

Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa wada dadaalo looga badbaadinayo dadka soomaaliyeed halista Mowjadaha Badda, iyo Roobabka dabeylaha wata ee ka dhacaya qeybo ka mid ah xeebaha dalka gaar ahaan shabeellaha Hoose iyo Jubooyinka qaarkood sidaasi darteedna looga baahanyahay in la qaado digniinaha ay ka bixineyso Dowladda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this