Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo Dad Shacab ah ku laayey Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Puntland oo Dad Shacab ah ku laayey Garoowe

garoowe-300x166.jpg

Ciidamao ka tirsan Puntland ayaa rasaas ku furay dad shacab ah, badhtamaha magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Ciidamada oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Booliska Puntland ayaa rasaasta ku furay dad qaarkood ay ka cabanayeen canshuur, halka kuwa kalana ay ku sugnaayeen Barxadda Garowe, waxaana dhacdadaas ku dhaawacmay Saddex haween ah oo Labo kamid ah uu gaadhay dhaawac culus.

Mid kamid ah haweenkaas oo xabadi kaga dhacday madaxa, xaaladeeduna cuslayd ayaa si deg deg ah diyaarad loogu qaaday magaalada Muqdisho.

Sidoo kale labada kale ee haweenka dhaawacmay ayaa lagu dabiibayaa Cusbitaalka Garowe, waxaana midkood oo ah xaamilo, dhaawac culus ka gaadhay lugta, iyadoo la sheegay in ay dhiig baxayso.

Warbaahinta oo isku dayday in ay wax ka weydiiso dhacdadan Booliska Puntland ayaysan ilaa hadda u suurta gelin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this