Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo ka tacsiyadeysay geerida xildhibaan Axmed Galti

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid oo la hadlay Shabelle ayaa ka hadlay geeridii ki timid Xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf (Galti) oo ka tirsanaa mudanayaasha baarlamaanka ee maamulkaasi oo Muqdisho ku geeriyooday.

Ugu horreyn Cali Daahir oo ku hadlayay magaca xukuumadda Galmudug ayaa tacsi u diray ehellada marxuumka, isaga oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xildhibaanka lagu xasuusan doono shaqooyinkii kala duwanaa ee uu ka qabtay deegaanada maamulka Galmudug.

Marxuum Axmed Galti oo todobaadyadan dambe xanuunsanayey ayaa saaka ku dhintay isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this