Deeq A. Posted July 28, 2020 Bisad laga helay Fayraska Korona Bisad ku nool dalka Ingiriiska ayaa laga helay xanuunka dunida aafeeyay ee korona. Bisadda oo kamid ah xayawaanka guri-jooga ah ee dadku ay dhaqdaan ayaa khubarada caafimaadka waxay sheegeen inay tahay kiiskii ugu horeeyay ee laga helay xayawaan la xanaaneysto ee dalka UK, waxaana ay intaa ku dareen in taas aysan ka dhignayn in xayawaankaasi uu faafiyo fayraska. Waxaa la rumeysan yahay in bisaddan ay xanuunka ka qaaday qof xanaaneysanayay, oo markiisii hore laga helay fayraska. Bisadda ama mukulaasha ayaa haatan lagu soo warramayaa in xaaladeeda ay wanaagsan tahay. Saraakiisha caafimaadka ee dalka Britain ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid aan hore loo arag, balse aanay wax walwal ah lahayn. Madaxa xannaanada xoolaha ee dalka Britain, Christine Middlemiss ayaa tiri “arrintan waa mid naadir ah, mukulaasha laga helay fayraskana waxaa ay muujineysaa callaamado aan sidaas u darneyn, balse xayawaanka waxaa ay ku bogsadaan maalma gudahood”. “Ma jirto caddeymo muujinaya in xayawaanka ay xanuunka usii gudbin karaan bani’aadamka. Waxaana sii wadi doona in aan la socono xaaladda bisadda, dadka xayawaanka xanaanaystana waan ku wargelin doonnaa wixii tallaabo ah haddii xaaladda ay isbadesho.” Yvonne Doyle oo ah sarkaal ka tirsan waaxda caafimmaadka dadweynaha ee England ayaa dadka kula taliyay in gacmaha ay si joogta ah u dhaqaan, kaddib iyo kahor marka ay taabtaan xayawaanka ay xanaaneystaan sida bisadda ama ayda. Dhogorta xoolaha ayaa la sheegay in xanuunka la isku qaadsiin karo, waa haddiiba ayba dhacdo in xayawaankaas uu taabto qof xanuunsan. Xarun gaar loo leeyahay oo lagu xanaaneeyo xayawaanka ayaa mar sii horeysay mukulaal ka daweysay caabuq ku dhaca bisadaha, kaas oo aan ahayn midka haata laga helay bisadda. Waxaa aad u yaraa kiisaska feyraska corona ee laga helayo bisadaha ku nool qaaradaha dunida, oo waxaa uu xanuunkan haatan fara ba’an ku hayaa dadka. Daniella Dos Santos, oo ah madaxa urur ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta xanaanada xoolaha ayaa yiri: “talada aan u jeedineyno dadka xanaaneysta xoolaha la dhaqdo ayaa waxay tahay in dadka qaba xanuuka ama isaga shakisan ay xadidaan la macaamilka xayawaanka la xanaaneysto”. “Waxaa kale oo aan soo jeedineynaa in dadka xanaaneysta xayawaanka guri-joogga ah ee laga helay feyraska ama isaga shakisan in aanay xayawaankooda u oggolaanin in ay guryaha kasoo baxaan.” Feyrask corona oo hataan dunida ay u maara la’dahay ayaa daraasad cusub oo la sameeyay waxay muujineysa in xaladda corona ee dunida ka taagan ay sii cakirisay heerka nafaqa darrida ee caruurta ku nool dallaka soo koraya. Majaladda Medical Journal iyo sheybaarka Lancet ayaa sheegay in ku dhawaad 7 milyan oo caruur, kuwaas oo da’doodu ka yar tahay 5 sano jir ay khatar ugu jiraan nafaqo darri. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites