Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo Xukuumadda kala xisaabtamaya Sool iyo Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   
  • 116193897_2686996288237020_3911876491049Guddoonka Baarlamaanka Puntland

Golaha Wakiilada Puntland ayaa shaaciyay in ay Xukuumadda kala xisaabtami doonaan gobollada Sool iyo Sanaag, oo qeybo kamid ay gacanta ku hayso Somaliland.

Fadhi ay maanta yeesheen Golaha Wakiilada Puntland ayaa lagu ansixiyay in qodobka 11-aad ee Dastuurka Puntland oo ka hadlaya Xuduudaha lagu daro la xisaabtanka Xukuumadda oo ku jira ajandaha Kalfadhiga 46-aad ee Golaha.

Fadhigii Golaha Wakiilada Puntland waxaa xaadir ku ahaa 36 Mudan, waxaa ogolaaday 35, halka uu ka aamusay 1 Mudane.

Puntland iyo Somaliland ayaa muddo labaatan sano ka badan isku haya gacan ku haynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxaana marar badan ku dhexmaray dagaalo dhiig badani ku daatay.

8 January, 2018, Tuulada Tukaraq oo Kastam iyo fariisin ciidan u ahayd Puntland muddo, waxaa gacanta ku dhigay ciidamo ka tirsan Somaliland.

Degaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag waxaa hadda isku hor-fadhiya ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Puntland oo Xukuumadda kala xisaabtamaya Sool iyo Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this