Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Kulan la qaatay Odayaasha mid kamid ah Beelaha Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay waxgaradka iyo odeyaasha mid ka mid ah beelaha deggan Gobolka Mudug.

Waxgaradka iyo Odeyaashan ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey, xaaladda guud ee Gobolka, Shirkii Nabadeynta ee kusoo dhammaaday Galdogob oo ay qeyb ka ahaayeen Odeyaashu iyo guud ahaan Amniga iyo horumarka Gobolka .

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la wadaagay Odeyaasha iyo Waxgaradkan Qorshaha Dowladda ee Gobolka, sida dhinacyada Amniga, Nabadeynta iyo horumarka. Wuxuuna kula dardaarmay in ay doorkooda qaataan oo ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo horumarka Gobolka.

1-32.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2-23.jpg?resize=1000%2C635&ssl=1 3-22.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-15.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Kulan la qaatay Odayaasha mid kamid ah Beelaha Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this