Deeq A. Posted July 27, 2020 Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaana garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaan ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale mas’uuliyeen ka tirsan golayaasha Dowladda Hirshabeele oo ku sugnaa caasimada Muqdisho. Sidoo kale waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor waxayna imaatinka labadan Madaxweyne ku soo aadaysaa,xili Xasan Cali Khayre raysal wasaarihii hore Soomaaliya ay kalsoonid kala noqdeyn mudanayaasha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Sawiradda Imaantinka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites