Deeq A. Posted July 27, 2020 Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo kala duwan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Kulan gaar ah ayaa waxa uu dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal. Warar hoose oo heshay Shabelle ayaa sheegaya in kulankaasi labada mas’uul ay uga tashadeen arrimo ku aadan magacaabida ra’iisul wasaaraha cusub ee bedalaya Khayre. Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada Aqal, isagoo kala hadlay dardar-gelinta howlaha horyaalla xukuumadda iyo baarlamaanka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan wada wada-tashiyadii ugu dambeeyey ee magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub, waxaana sidoo kale maanta Muqdisho soo gaaray madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor). Sabtidii ayey aheyd markii si lama filaan ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ay codka kalsoonida kala noqdeen ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre. View the full article Share this post Link to post Share on other sites