Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor Qoor oo socdaal deg deg ah ku tegaya Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Maanta oo Isniin ah ku wajahan Magaalada Muqdisho halkaas oo uu kulamo kala duwan kula qaadanayo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Socdaalkan deg dega ah ee Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka ay sheegeen in ay kalsoonida kala laabteen Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Khayre kadib markii ay ku eedeyeen in ay ku fashilantay Hoggaaminta Dalka iyo gaarsiinta Doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale wuxuu ku soo aaday xilli loo ballansanaa in Shir kale lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb si loo dhammaystiro Arrimaha ku xusan Heshiiskii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ku gaareen Shirkii hore ee Dhuusamareeb oo ay ku jirto Go’aaminta Hannaanka ay u qabsoomi karto Doorashada soo socota.

Waxaase walwal laga qabaa sida uu ku qabsoomi doono Shirka lagu ballansanaa Dhuusamareeb maadaama Ridistii Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumaddiisa ay abuurtay Xaalad Siyaasadeed oo cakiran islamarkaana aan la saadaalin Karin Cawaaqibkeeda.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Qoor Qoor oo socdaal deg deg ah ku tegaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this