Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ka horyimid xil-ka qaadistii R/wasaare Khayre

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo  ka soo baxay Danjiraha Mareykanka ee Arrimaha Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa looga hadlay go’aankii Golaha Shacabka codka kalsoonida ugula noqdeen Xukuumaddii Xasan Cali Khayre.

Safaaradda ayaa sheegtay in ay ka walwalsan tahay xaaladda doorashada dalka, iyada laga tusaalo qaadanayo ficilka dastuuriga ah oo ay sameeyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS, waqti lagu guda jiro kala guurka Dowladda.

“Safaaradda Mareykanka waxay ka qoomameyneysaa ficillada Madaxweynaha iyo Aqalka Hoose ee baarlamaanka si ay meesha uga saaraan kalsoonidii ay ku qabeen Ra’iisul Wasaare Cali Xasan Khayre iyo Xukuumaddiisa, taas oo sii kordhisay xiisada siyaasadeed isla markaana wiiqeysa hanaankii wadahadalka iyo wadahadalka u dhexeeyay DFS iyo DG xubnaha ka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Safaaradda mareykanka ee Soomaaliya.

“Tallaabadaan waa mid sababi karta dib u dhac doorasho, walwal laga muujiyo mustaqbalka Doorashooyinka Soomaaliya, Xasiloonida iyo barwaaaqada, dib u dhaca hirgelinta howlo badan oo Xukuumadda horyaalla” ayaa hadalka lasii raaciyay.

Safaaradda Mareykanka ayaa ku baaqday in aan laga maarmin iskaashi, isu tanaasulid, isu duwin iyo ku dhiiranaanta hirgelinta howlaha laga doonayo in ay sameyso Dowladda Soomaaliya oo ay ugu weyn tahay hirgelinta Doorashada 2020/2021-ka.

“Samaynta qaab doorasho oo laga wada shaqeyn karo oo la aqbali karo oo muhiim ah ayaa fure u ah dhowrista amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, Mareykanka wuxuu ugu yeerayaa dhammaan daneeyayaasha in ay si iskaashi leh ula shaqeeyaan ayna raadiyaan tanaasul si loo yareeyo halista qalalaasaha dastuuriga ah. Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa DFS, DG xubinta ka ah federaalka, Baarlamaanka iyo dhinacyada kale in ay sii wadaan wada shaqeynta si loo meel mariyo heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo ku dhawaaqay mooshinka, isla markaana codka geliyay waxa uu sheegay in Xukuumaddii Xasan Cali Khayre kalsoonida kala noqdeen, kadib markii go’aaankaas u codeeyeen 170-Xildhibaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this