Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad Colaadeed oo ka aloosan Degaanka Adhicaddeeye ee Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiisad Colaadeed ayaa weli ka aloosan Degaanka Adhicaddeeye ee Gobolka Sool halkaas oo Gelinkii dambe ee Shalay dagaal ku dhexmaray laba beelood oo Degaanka wada-deggan.

Colaadda labada beelood oo horay u soo jirtay ayaa la sheegaya in ay dib u soo laba-kaclaysay kadib muran ka dhashay bogcado ku yaalla Degaanka  kuwaas oo ay isku qabsadeen malayshiyaad ka kala tirsan labada dhinac.

Malayshiyaadka labada beelood ayaa weli ku sugan Degaanka inkastoo ay jiraan Ciidamo ka tirsan Somaliland oo halkaasi gaaray si ay u dhex-galaan balse sida la sheegayo aysan kalsooni ku qabin dhinacyada dagaallamay.

Gobolka Sool waxaa sannadihii u dambeeyay ragaadiyay colaado u dhexeeya beelaha Gobolka kuwaas oo marar kala duwan soo noq-noqday inkastoo qaarkood xal Nabadeed laga gaaray.

PUNTLAND POST

The post Xiisad Colaadeed oo ka aloosan Degaanka Adhicaddeeye ee Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this