Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo Oo Raysal Wasaare Ku-meel-gaadh Ah U Magacaabay Mahdi Maxamed Guuleed

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu igmaday Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaadh ah.

Laga bilaabo faafintan, sida uu qabo Dastuurka Kumeel-gaadhka ah waxa uu Kusime Ra’iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) awood u yeelanayaa hagidda hawlaha xukuumadda inta laga soo buuxinayo xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa adkeeyay in ay dalka ka dhacayso doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo lagu wada qanacsan yahay, waafaqsanna Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka shaqeynta qodobadii ku soo baxay war-murtiyeedkii Dhuusamareeb iyada oo shirka xiga loo ballansan yahay 15ka Ogoosto 2020.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this