Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal beeleed ka dhacay degaanka Adhicaddeeye ee Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   
Sawir-hore-1.jpg?w=1000&ssl=1Sawir hore

Wararka ka imaanaya Degaanka Adhicaddeeye oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa ku warramaya in halkaasi uu Galabta ka dhacay Dagaal u dhexeeya laba Malayshiya-beeleed.

Colaadda Labada Beelood ayaa mudda sannado ah soo jiitamaysay balse sida wararku sheegayaan Dagaalka Maanta wuxuu ka bilwoday bogcado dhul oo ku yaalla Degaanka Adhicaddeeye kadib markii ay isku qabsadeeb Malayshiyaad ka tirsan Labada dhinac.

Khasaaraha Dagaalkaas ilaa iyo haatan laga soo weriyay waa dhaawaca hal ruux iyadoo uu haatan Dagaalka joogsaday islamarkaana ay halkaas gaareen Ciidamo ka tirsan Somaliland

Gobolka Sool waxaa sannadihii u dambeeyay ka dhacayay Dagaal beeleedyo khasaare badan dhaliyay kuwaas oo dhexmaray Beelo ood wadaag ah inkastoo qaarkood markii dambe Xal Nabadeed laga gaaray.

PUNTLAND POST

The post Dagaal beeleed ka dhacay degaanka Adhicaddeeye ee Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this