Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Kalsoonida Kala Noqday Raysal Wasaare Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)- Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kalsoonida kala noqday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay kalsoonidii Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ay kala noqdeen Xukuumadda  Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Guddoomiye Mursal oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa waxaa uu sheegay in kulankii Maanta ee Xildhibaanada kalsoonidii loogala noqday Xukuumadii Ra’iisul Wasaaare Kheyre, isla markaana natiijada kasoo baxday Codeynta uu ku dhawaaqay.

Guddoomiye Mursal ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Xukuumadiisa uu ku eedeeyay inay fashilmeen  sugida amniga Magaalada Muqdisho iyo in dalka Soomaaliya ay gaadhsiiyaan inay ka dhacdo Doortasho qof iyo cod ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa waxaa uu shaaciyay in 178 Xildhibaan ay Cod gacaan taag ah u qadeen in kalsoonida lagala noqdo Xukuumadda, 170 ayuu sheegay inay ogolaatay, halka ay diideen 8 Xildhibaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu si deg deg ah u furay inuu kusoo magacaabo Ra’iisul Wasaare Cusub iyo Xukuumadiisa.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya oo ay uga hadlayaan kalsoonimadii Maanta ay Xildhibaanada Golaha Shacabka kala noqdeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this