Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka amniga oo ka horymid go’aankii baarlamaanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka amniga Soomaaliya xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo ka mid ahaa xildhibaanadii buuqa ka sameeyey kulanka Golaha Shacabka ayaa ka soo horjeestay go’aankii aya kalsoonida loogala noqday xukuumadda ra’iisul wasaare Khayre.

Ducaale oo warbaahinta kula hadlay xarunta baarlamaanka kulanka kadib ayaa sheegay  in guddoonka Golaha Shacanka ay shirqooleen xildhibaanada, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ajandaha maanta la soo ogeysiiyey uu ahaa ka doodista arrimaha doorashooyinka dalka ee 2020/2021-ka

“Wuxuu alle qadaray wax aan sharci ka aheyn adduunyada inuu halkaan ka sameeyo, waxaana cadeynaya iyadoo aan hal qof ka doodin, xukuumadii mooshin laga keenin, wax cadeynna lagu helin in la yiraahdo xukuumadii wey dhacday” ayuu yiri wasiir Islow.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu maanta guddoomiye Mursal shaaciyey in xukuumadda ay kalsoonidii kala noqdeen illaa 170 mudane oo ka tirsan Golahaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this