Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg deg: Mursal oo shaaciyey in kalsoonidii lagala noqday Khayre

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shaaciyey inay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya kalsoonidii kala noqdeen xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Mursal ayaa sheegay inay cod-galiyeen kalsoonida kala noqoshada xukuumadda, islamarkaana ay ogolaatay 170 Mudane, sidoo kalena ay diiday sideed xildhibaan

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey xukuumadda inay ka gaabisay arrimaha doorashooyinka dalka ee 2020/2021, maqaamka Muqdisho iyo dhameystirka Dastuurka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this