Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxii Hore Ee Hay’adda Sirdoonka Israa’iil Ee MOSSAD Oo Caddeeyay In Israa’iil Ayna Ka Hor-tagi Karin In IRAN Ay Samaysato Hubka Nukliyeerka.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tel aviva)-Madaxii hore ee hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, Shabtai Shavit ayaa si rasmi u qiray in Israa’iil ayna ka hortagi karin in Iran ay kusoo biirto naadiga dalalka haysta hubka Nukliyeerka.

Israa’iil ayaa dadaal xooggan oo diblomaasiyadeed iyo mid sirdoonba ugu jirta inay ka hortago in Iran, oo ah cadowgeeda kowoaad, ay gacanta ku dhigto Nukliyeer.

Si kastaba Shabtai Shavit, waxa uu sheegay in waxa Israa’iil ay sameyn karto ay tahay inay ka hortagto in Iran ay adeegsato bamka Nukliyeerka marka ay hesho.

Wareysi dheer oo uu siiyey wargeyska Times of Israa’iil, ayaa Shavit waxa uu ku yidhi “Kama mid ah dadka dhahaya Iran iminka way haysataa Nukliyeer, waxayna ku halis gelinayaan jiritaanka Israa’iil. Balse haddii dal uu helo bam wuxuu u isticmaali karaa inuu sameeyo jahwareer badan iyo inuu sare ugu qaado danihiisa.”

“Shaki igagama in Iran ay ka shaqeyneyso maanta inay horumariso awood Nukliyeer, waxay u sameynayaan si qarsoodi ah si ay uga fogaadaan inay kiciyaan Mareykanka iyo dunida inteeda kale,” ayuu yidhi.

“Meel wanaagsan ayay marinayaan, mana ku dhowaaqi doonaan inta ay ka sameynayaan tijaabo lagu guuleysto. Marka ay sidaas dhacdana ma jirto cid weerari karta. Ma jirtaa cid wax ka qaaday Kuuriyada Waqooyi markii ay sidaas ku dhowaaqday.”

Waxa uu sheegay in waxa kaliya ee Israa’iil hadda u furan ay tahay inay u diyaar garowdo maalinka Iran ay ku dhowaaqi doonto hub Nukliyeer ah, ayna diyaarsato qorshe ay kaga hortageyso inay adeegsato.

“Waa inay ogaadaan in ayna u qalmin inay Israa’iil kusoo weeraraan Nukliyeer,” ayuu yidhi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this