Sign in to follow this  
Deeq A.

Maareeye: Shirka saddexaad ee Dhuusamareeb waxa ka qayb-geli doona Xisbiyada Mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in wejiga saddexaad ee shirka wadatashiga dhuusamareeb uu ka duwan yahay kuwii hore, isla markaana ay ka qeyb-gali doonaan Guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Federaalka.

Wasiir Maareeye, ayaa sidoo kale sheegay in Shirka ay ka qeyb-gali doonaan Xisbiyada Mucaaradka ah dalka iyo Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, si loo ballaariyo wadatashiga masiirka dalka, waxaana uu intaa ku daray waxyaabaha ka soo baxa Shirkaas dib loogu celin doono Golaha Baarlamanka.

Waa uu ka duwan yahay shirka dhuusamareeb wajiyadii hore waxaana ka qeyb-galaya dhammaan dadka uu Khuseeyo masiirka dalka sida labada gole ee Barnalamaanka Jamhuuriyadda ,Xisbiyada dalka,maamul goboleedyada iyo sidoo kale ururada bukshada rayidka waxaana uu noqon doonaan shir loo dhamyahay” ayuu yiri wasiir maareeye.

15 bisha soo socota ee Agoosto ayaa loo balansanyahay wejigi sadexaad ee shirka wadatashiga, kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan madaxda Federaalka ,kuwa Dowlada Goboleedyada dalka, Bulshada Rayidka iyo Xisbiyada Mucaaradka, si looga tashado Arrimaha Doorashada Dalka.

PUNTLAND POST

The post Maareeye: Shirka saddexaad ee Dhuusamareeb waxa ka qayb-geli doona Xisbiyada Mucaaradka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this