Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo magacaabay labada xubnood ee Puntland ku matali doona Guddiga Farsamo ee Doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Caawa magacaabay labada xubnood ee Puntland ku matalaya Guddiga Farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, kaas oo ka soo tala-bixin doona Hannaanka ay u qabsoomi karto Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni , ayaa lagu magacaabay labada xubnood oo kal ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Cabdiweli Cali Cabdulle.

PUNTLAND POST

The post Deni oo magacaabay labada xubnood ee Puntland ku matali doona Guddiga Farsamo ee Doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this