Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hiiraan oo ku baxay dagaal beeleed ka dhacay gobolkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa booqday deegaanka Banaaney oo hoostaga degmada Beledweyne, kadib markii ay halkaasi ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.

Mas’uuliyiinta tegay deegaankaasi waxaa horkacaya guddoomiye ku xigeenka maaliyadda iyo siyaasadda gobolka Hiiraan, Abuukar Sheekh Cabdullaahi oo uu wehliyo taliyaha saldhigga Booliska Beldweyne, Maxamed Qoorsheel.

Ujeedka socdaalka xubnahaasi ayaa ahaa mid ay ugu kuur galayeen xaaladaha ka jira deegaankaasi oo guryo badan lagu gubay.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xiisadda ka taagan halkaasi laga gaaray xal hordhac ah.

Deegaanada HirShabelle ayaa waxaa inta badan ku soo laa-laabta dagaal beeleedyo u dhexeeyo maleeshiyaad ku sugan gobollada Hiiraan & Sh/Dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this