Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaflad sagoontin ah oo la soo sameeyey madaxdii isugu tegtay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Munaasabad lagu Sagootinaayey madaxdii iyo wufuudii ka qeybgashay shirweynaha wadatashiga Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada  Xubnaha ka ah dowladda dhexe ee dhawaan kusoo gabagaboobay magaalada dhuusamareeb ayaa  lagu qabtay xarunta Galmudug.

Waxaana munaasabada ka qeyb-galay  Ra’isulwaaraha xukumadda federaallka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayere Madaxweynaha  Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi  Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya  Cabdul-casiis Xasan laftagareen, Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid wasiiro iyo xildhibaano ka tiran dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (qoor-Qoor ayaa u mahadceliyay dhammaan madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka sida ay u ajiineen in gogosha wadatashiga ay isugu yimaadaan magaalada dhuusamareeb waxaana uu intaa ku daray in shirka wadatashiga ee soo gaba-gaboobay ay kasoo baxeen waxyaabo dan u ah masiirka dadlka iyo dadka soomaaliyeed.

“Waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad iiga ajiibteen inaan gogosha wadatashiga aan dhigno Dhuusamareeb aan uga hadalno ayaaha dalka maadaama lagu jiro marxalada kala guud ah loona baahanyahay in si wadajir loo wajaho arrimaha doorashooyinka soo socdo ee 2020/2021 ayuu ku daray madaxweyne Qoor Qoor.

Sidoo kale munaasbaad waxaa ka qeyb-galay ururada bulshada rayidka sida haweenka iyo waxgaradka deegaanka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this