Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururada Bulshada Rayidka oo si adag u duray,War Tabana ka soo saaray go’aamada Shirkii Farmaajo & Madaxda Maamul-goboleedyada Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururada Bulshada Rayidka oo war taban ka soo saaray go’aamada Shirkii Farmaajo & Madaxda Maamul-goboleedyada Somalia

 madaxda-1.jpg

Prof. Cabdullahi Maxamed Shirwac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ayaa ka hadlay shirkii ku soo dhammaaday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, gaar ahaan qodobadii ka soo baxay shirkaasi.

Shirwac oo ka mid ah xubnaha ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in aan la’isku haleyn karin war-murtiyeedka ka soo baxay shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, isaga oo hoosta ka xariiqay in qodobada la soo saaray ay yihiin kuwo waqti lumis, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in labada dhinac aysan daacad aheyn, islamarkaana uu weli u dhexeeyo mad-madow siyaasadeed.

Prof. Shirwac oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in guddiga farsamada ee lagu dhawaaqi doono in uusan waxba qaban karin, maadaama uusan waxba kala socon kulamadii adkaa ee dhacay, kuwaas oo u dhexeeyey dowladda iyo maamullada dalka.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaalida inay ka run sheegaan xaaladaha jira, si loogu gudba caqabadaha horgudban doorashooyinka 2020/2021-ka.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo xalay war-murtiyeed ka kooban 8 qodob laga soo saaray shirkii Dhuusamareeb oo sidoo kale ay heshiis ku gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this