Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xabsiga ka sii daysay laba sarkaal oo ay hore u xirtay

Recommended Posts

Deeq A.   
Labada-sarkaal-1.png?w=1000&ssl=1

Dowladda Puntland ayaa Xabsiga ka sii daysay Taliye ku xigeekii Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale iyo Taliyihii Saldhiga Bartamaha Caasimadda Garoowe dhamme Maxamuud Muuse Bile sida ay ogaatay Warbaahinta Puntladn Post.

Labada sarkaal ayaa la xiray horraantii bishan July kadib markii ay gadood sameeyeen ciidamo ay ku jireen oo ka tirsan Booliiska Puntland kuwaas oo laga qaaday Caasimadda Garoowe si loogu soo tababaro Magaalada Qardho.

Xiriir aan la samaynay labada sarkaal oo la sii daayay ayaan noo suura-gelin balse ilo wareedyo kale ayaa xaqiijiyay in xabsiga laga sii daayay inkastoo aysan faahfaahin dheeriya ka bixin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Saraakiisha lagu waayay eedaymo loo haystay oo la xiriiray in ay ka dambeeyeen gadood ciidan iyo amar-diiddo sidaas darteedna xabsiga looga sii daayay.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo xabsiga ka sii daysay laba sarkaal oo ay hore u xirtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this