Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Odowaa oo abaabul ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil uu hoggaaminayo oo ku sugan Shabeelaha Hoose ayaa gobolkaasi ka bilaabay abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Odowaa oo booqday xerada garoonka Bali-Doogle ayaa halkaas kula kulmay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan xeradaasi, isaga oo kala hadlay howl-galka ka socda gobolka.

Sidoo kale wuxuu ku boggaadiyey ciidamada inay xoojiyaan dagaalka Al-Shabaab looga saarayo guud ahaan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale la kulmay saraakiisha taliska Mareykanka iyo kuwa AMISOM, isaga oo kala hadlay sidii loo dardar-galin lahaa dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo si weyn ugu xoogan Sh/Hoose.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa dhaq-dhaqaaqyo milatari ka waday koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Inta badan ciidamada ayaa iska hor imaadyo xoogan kala kulma Al-Shabaab oo weeraro gaadma ah ku qaada xarumaha ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this