Sign in to follow this  
Deeq A.

Danjiraha JFS ee Suudaan oo la kulmay wasiirka Beeraha Dalkaasi+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Suudan Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa la kulmay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Kheyraadka Dabiicigga dalka Suudan Eng. Cabdulqaadir Turkaawi.

kulanka Safiirka iyo Wasiirka waxaa ku wehliyay uqeybsanahay arrimaha ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Suudan.

Mas’uuliyiintan ayaa intii Kulankoodi uu socday waxaa ay ka wada hadleen xiriirka sooyaal ee u dhaxeeya labada dowladood, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka soo jireeynka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudan.

Waxyaabaha ay isla garteen waxaa kamid ah adkeynta xiriirada dhinacyada kaladuwan leh,horumarinta iskaashatadda beeraleeyda iyo Wax soo saarka dalagga beeraha iyo kuwo kale oo badan.

Dalalka Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah,kaasi oo ku qotoma iskaashiga dhinacyo badan  sida Siyaasadda,Dhaqaalaha diplomaasiyadda beeraha iyo wax soo saarkooda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this