Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre: Waxan ku heshiinay in aan Dalka gaarsiino meesha Umadda Soomaaliyeed rabto

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo khudbad ka jeediyay Shirkii xalay ku soo xirmay Dhuusamareeb ayaa sheegay in dhammaan lagu heshiiyay in wadajir ah Dalka looga gudbiyo Marxaladda Kala Guurka ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay inn Qodoba Heshiiska ka soo baxay Shirkii Xalay lagu dhammaystiri doono Shirka soo socda ee mar kale Dhuusamareeb lagu ballamay 15 Agoosto gaar ahaanna Arrimaha Doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in sidoo kale Madaxdu ku heshiisay in la is dhegaysto mar kasta oo la kala aragti duwanaado si loo helo Aragti midaysan oo lagu wajaho Marxaladda kala Guurka ah ee Waddanku marayo loona qabto Doorasho wakhtigeeda ku dhacdo oo la isla ogolyahay.

Mudane Khayre ayaa sidoo kale u mahadceliyay Xukuumadda iyo Shacabka Galmudug oo marti geliyay Shirka Dhuusamareeb isagoo u rajeeyay hormar iyo barwaaqo.

Halkaan ka daawo Khudbaddiisa

  • 12-10.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1
  • 11-8.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1
  • 10-11.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1
  • 9-15.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1
  • 8-16.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1
  • 7-18.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1
  • 6-20.jpg?resize=959%2C1440&ssl=1
  • 5-20.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1
  • 4-14.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1
  • 3-21.jpg?resize=1000%2C699&ssl=1
  • 2-22.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1
  • 1-29.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Khayre: Waxan ku heshiinay in aan Dalka gaarsiino meesha Umadda Soomaaliyeed rabto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this